Madaxweynaha Mareykanka oo shaaciyay in laga helay cudurka Covid19

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyay in laga helay cudurka Covid19.

Madaxweynaha ayaa sheegay in isaga iyo marwada koobaad ee dalkaasi laga helay cudurka ayna bilaabeen inay iskarantiilaan sidoo kalana ay mari doonaan habkii ay cudurkaasi uga soo kabsan lahaayeen.

Arrintan ayaa timid kaddib markii mid ka mid ah lataliyaashiisa aadka ugu dhaw, ee lagu magacaabo Hope Hicks ee, laga helay cudurka Covid19.

Ms Hicks ayaa waxa ay madaxweynaha la raacday diyaaradda Air Force One taas oo uu todobaadkan ku tagay gobolka Minnesota, halkaas oo ay haweenaydaasi kaga soo baxeen calaamadaha cudurkaasi.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email