Madaxweynaha maamulka Puntland oo ka hadlay jawdwalka ee laga soo saaray doorashooyinka dalka

Dhageyso:-Madaxweyne Saciid Deni oo Fariin adeg u diray maamulka Somaliland  – Radio Dalsan FM 91.5 MHz | Warar Sugan | Somalia News

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu ka hadlay jadwalka doorashooyinka dalka ee la soo saaray.

Madaxweyne Deni ayaa waxa uu tilmaamay in hadda aysan jirin cabsi fara badan oo uu sheegay in uu ka qabay arimaha doorashooyinka ee dalka.

Shir jaraa’iid oo uu maanta ku qabtay madaxweyne Deni garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho mar uu ka dhoofayay ayaa waxa uu sheegay in uu ku qanacsan yahay jadwalka cusub ee laga soo saaray xilliga ay dhacayaan doorashadooyinka baarlamaanka labada aqal, gudoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha dalka lagu soo dooranayo.

Intaa kadib ayaa waxa uu sheegay in hadda ay muuqato in la qaaday dhabbihii suurtagelin lahaa in uu ka gallo nidaam doorasho oo ku dhacda jawi nabdoon oo degan.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shirkiisa jaraa’id ka dib waxa uu u dhoofay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email