Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen oo magacaabay taliye cusub

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa goordhow magacaabay taliyaha howlgelinta ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa waxaa xilka Taliyaha Howlgelinta Ciidanka Daraawiishta Maamulka loogu magacaabay inuu noqdo Xasan Xared Cumar.

Wareegtada ayaa waxaa lagu xusay in magacaabista Taliye Xasan Aadan ay ku timid, kadib markii Maamulka Koonfur Galbeed uu arkay in baahi loo qabo buuxinta xilka Taliyaha oo banaanaa.

Taliyaha Cusub ee la magacaabay ayaa waxaa la faray inuu dardar-geliyo waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday, taas oo ah Howlgelinta Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hoos ka Akhriso Wareegatada Magacaabista Taliyaha Howlgelinta Ciidanka Daraawiishta Maamulka KG.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email