Madaxweynaha Galmudug oo xafiiskiisa ku qaabilay maareeyaha guud ee hay’adda batroolka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Batroolka Soomaaliya ahna gudoomiyaha gudiga Injineer Ibraahim Cali Xuseen iyo wafdi uu Hogaaminayay oo shalay soo gaaray Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Kulankan oo Madaxweynaha ku wehlinayey Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Galmudug Mudane C/qaadir Maxamed Saciid ayaa ahaa soo dhaweyn iyo is Xog-wareysi Guud.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Soomaaliya Mudane Ibraahim Cali Xuseen ayaa safarka uu ku tagay Dhuusamareeb wax uu la xariiraa hormarinta Hay’adda iyo howlaha shidaalka ee dalka iyadoona inta ay ku sugan yihiin magaalada Dhuusamareen kulamo looga hadlayo arimaha Hay’adda Batroolka ku yeelandoono halkaasi.

Dhawaan ayay ahayd markii wafdigaasi ay kulamo la soo qaadeen madaxda Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email