Madaxweynaha Galmudug oo Agaasime cusub u magacaabay Madaxtooyada Galmudug

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Mudane Cusmaan Macallin Xasan loogu magacaabay Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Galmudug.

Cusmaan Macalin ayaa ah aqoonyahan xirfad dheer u leh arrimaha maamulka & horumarinta Dhaqaalaha. Isagoona kasoo shaqeeyay dalka iyo dibadaba. Ayaa algu yiri wareegtadan.

“Wuxuu ka mid ahaa aqoonyahankii Soomaliyeed ee dadaalka mugga leh ku baxshay soo kabashada waxbarashada hoose iyo midda sare ee dalka. Isagoona sanadyadii dambe ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga Soomaaliya (SIU)” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska warfaafinta Madaxtooyada Galmudug.

Magacaabistaan ayaa soo baxday kaddib markii Madaxweynuhu garowsaday baahida degdega ah ee loo qabo dardargelinta hawlaha hortabinta leh, isla markaana tixgeliyey kartida, aqoonta iyo waayo aragnimada masuulkan u leeyahay arrimaha maamulka & maareynta, ayaa qoraalka lasii daba dhigay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email