Madaxtooyada oo qorshe gaar ah ka leh furitaanka wadooyinka Muqdisho

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa la sheegay in dano siyaasadeed ay ka leedahay furitaanka qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho.

Siyaasiyiinta qaar ayaa sheegay in dano siyaasadeed laga leeyahay furitaanka qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho.

Waxa ayna sheegeyn siyaasiyiintaan in furitaanka iyo olalaha doorashadda la isku soo aadiyay, islamarkaana qorshahaas ay Madaxtooyadda Soomaaliya wadato.

Si kastaba Ra’iisul wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in jidadka caasimadda loo furay si loo fududeeyo nolosha, ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email