Madaxda dalalka Qubrus, Masar iyo Giriigga oo kulan qarsoodi oo qatar weyn ku ah Turkiga yeeshay ‘sawirro’

Kulan hal maalin socday oo dhexmaray Madaxda Waddama Qubrus, Masar iyo Giriigga waxa ay uga hadleen colaadinta Dalka Turkiga oo xifaaltan dhanka dhaqdhaqaaqa Ciidanka, badda iyo siyaasadda ah.

Madaxda saddexdaan waddan ayaa is tustay sida looga baahan yahay Xukuumadda Ankara ka qaybgalka kulan looga wada xaajoonayo sidii Xukuumadda Ankara looga dhaadhicin lahaa joojinta waxa ay ugu yeereen daandaansiga Bariga Mediterranean-ka.

Kulankaan oo dhacay Arbacadii to
dobaadkaan ayaa qarsanaa tan iyo xiligaas, balse saacadihii lasoo dhaafay ayaa lasoo bannaan-bixiyay wada-xaajoodkaan daahsoonaa ee ka dhanka ah Dowladda Turkiga.

Madaxda la ogaaday ee ka qaybgashay kulankaan ayaa kala ah: Kyriakos Mitsotakis Ra’iisul Wasaaraha Dalka Giriigga, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Cabdifitaax Al-Siisii & Madaxweynaha Qubrus Nicos Anastasiades.

Waxa ay is tusiyeen meelaha dabaca siyaasadeed ka jiro ee laga muusi karo qorshaha siyaasadda Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdegon oo ay u arkaan in uu caqabad ku yahay waddamadaan.

Madaxda Masar, Giriigga iyo Qubrus ayaa cambaareeyay fal ay ugu yeereen daandaansiga aan daahsooneen ee Turkiga ku hayo Biyaha Badda Mediterranean-ka oo ah xudunta khilaafka Xukuumadaha Ankara & Athens.

“Kulankaan saddex geesood ah waxa uu kusoo beegtamay xili ay jirto xiisad khatar abuuri karta, waana nasiib darro in ay sii socoto gardarada Turkiga ee salka ku heyso riyooyinka aan meelna gaareyn iyo falalka guracan ee uu ka wado waddamada Suuriya, ilaa Liibiya, Soomaaliya ilaa Qubrus, laga bilaabo Aegean ilaa Caucasus” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Giriigga.

Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Saciid Xuseen (Al-Siisii) ayaa sababta uu ula dagaashan yahay Dhiggiisa Turkiga ah in uu cabsi ka qabo faragelinta Xukuumadda Ankara ee waddanka deriska la ah ee Liibiya, sidoo kale Giriigga ayaa daneynaya in Masar ka dhigto marin uu u maro gelista Liibiya.

Dalalka colaadda kasoo kabanaya oo ay Soomaaliya kamid tahay waa marinka loolanka waddamada sheegta in ay quwad leeyihiin, iyaga oo ku loomaya u dhawaanta madaxda talada heysa si dhanba dhanka kale uu uga fogeeyo.

Isha: Daily Journal/Daily Sabah/Mustaqbal

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email