Madaxda Dalka oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Cali Khaliif Galeyr

Madaxda ugu sarreysa ee dalka sida madaxweynaha dowladda Soomaaliya, guddoonka labbada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta laheyd ee ku timid ra’iisul wasaarahii horre ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr oo ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad dowlad deeggaanka Soomaalida.

Madaxda ayaa uga tacsiyadeeyay qoyska,ehelada iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxaamka waxaana alle ay baryeen inuu naxariista janna ee ka waraabiyo.

Cali Khaliif Khaliif oo 79 jir ahaa wuxuu soo noqday Raiisul Wasaare dowladdii Kumeel gaarka ahayd ee lagu soo dhisay Carta Jabuuti 2000, waxaana uu xilka hayay intii u dhaxaysay October 2000 ilaa October 2001. Allaha u naxariisto.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email