Madaafiic lagu garaacay saldhig ay ciidamada Itoobiya ku sugan yihiin

Weerar madaafiic loo adeegsaday oo xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhiga ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Qansax-Dheere ee Gobolka Baay ayaa waxaa kasoo baxaya faahfaahino dheeri ah sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Wararka halkaa laga helayo ayaa waxa ay intaa ku darayaam in Saldhiga ciidamada Itoobiya ee Qansax-Dheere lagu weeraray in ka badan 7 Hoobiye, kuwaas oo jugtooda laga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmada Qansax-Dheere.

Ciidamada Itoobiya dhankooda ayaa la sheegay ay tiro madaafiic ah ugu jawaabeen Ururka Al-Shabaab, isla markaana uu jiro khasaaro madaafiicda kasoo gaaray dad rayid ah.

Maamulka degmada Qansax-Dheere ayaan weli wax war ah kasoo saaray weerarkaas, iyadoona dadka degaanka ku nool ay soo foodsaartay cabsi xoogan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email