Macallin ku xadgudbay Nabi Muxammad (NNKH) oo lagu gawracay Paris

Macallin ardeydiisa tusay sawir laga sameeyay Nabi Muxammad (NNKH) ayaa lagu gawracay gudaha dalka Faransiiska gaar ahaan meel u dhaw magaalada caasimada ah ee Paris.

Booliska dalka Faransiiska ayaa afar qof u soo xiray dilka macallinkaan ku xadgudbay Nabi Muxammad (NNKH) ayaa la sheegay in uu dhigayay maadada taariikhda.

Weerarkan oo aad looga hadal hayo faransiiska ayaa la sheegay inuu ka dhashay cashar ku saabsan sawir gacmeedyo muran badan dhaliyay oo laga sameeyay Nabi Muxamed NNKH.

Macallinka ayaa la sheegay in ardayda Muslimiinta ah uu ka codsaday iney fasalka ka baxaan markii uu ardayda kale tusayay sawir gacmeedyada.

Nin watay mindi weyn ayaa macallinka ku weeraray waddo ku taal xaafad lagu magacaabo Conflans-Sainte-Honorine, isagoona madaxa ka jaray. Ilo booliis ayaa sheegay in markhaatiyaashu ay maqleen qofka weerarka gaystay oo ku dhawaaqaya “Allahu Akbar“, ama “Ilaahay ayaa weyn“, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ninka weerarka geystay ayaa markii dambe waxaa toogasho ku dilay booliska.

Xigasho: Bbc

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email