Macalimiin iyo tababarayaal oo isaga baxsaday gobolka Waqooyi Bari Kenya

Dhaqaatiir u dhalatay Cuba oo lagu afduubtay Mandheera. - Mustaqbal Radio

Sida ay daabaceen qaar kamid ah Wargeysyada ka soo baxa dalka Kenya, macalimiin iyo tababarayaal ka soo jeeda gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa isaga baxsaday gobolkaasi, kadib markii ay cabsi soo wajahday.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii ay kordheen weerarada dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ka fulinayaan deegaanada ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Wargeysyada ayaa sheegaya in xiligan ay cabsi badan soo foodsaartay macalimiinta kale ee wali ku sugan gobolka waqooyi Bari Kenya.

Alshabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay weerareen Basas isaga kala gudbayay Magaalooyinka dalka Kenya, waxaana weeraradaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii saarnaa.

Ilaa 8 qof ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen, kadib markii Xubno ka tirsan Alshabaab ay weerareen, baabuur bas ah oo ka baxay Mandheera kuna sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Gaariga la weeraray ayaa waxaa saarnaa dad farabadan oo Shacab ah.

Saraakiisha gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa wacad ku maray in ay dagaal adag la gali doonaan Alshabaab.

Alshabaab ayaa bilihii la soo dhaafay waxa ay kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari,waxayna taasi keentay in ay cabsi soo wajahdo qaar ka mid ah shacabka Kenya ee ku sugan gobolka Waqooyi Bari.