Maamule arday Muslimiin ah u diiday inay xijaab xirtaan oo xafiiskiisa la gubay

Xiisad diimeed ayaa ka taagan degmada bariga dalka Malawi ku taalla ee Machinga kaddib markii koox aan la garaneyn ay gubeen xafiiska maamulaha iskuul kaniisad ay leedahay oo halkaasi ku yaalla uu diiday in ardayda Muslimiinta ah ay xirtaan xijaab.

Booliiska ayaa xaqiijiyay arrintaas oo ka dhacday dugsiga hoose ee Mpiri, wuxuuna sheegay in dhismaha xafiiska dhulka lala simay.

Dadka ku nool degmadaas waxay u kala qeybsan yihiin Kirishtaan iyo Muslimiin, balse inta badan iskuullada waxaa gacanta ku haya kaniisado.

Dowladda ayaa sheegtay in siyaasadda iskuulka aysan ardayda ku amreynin inay si gaar ah u lebistaan, balse qaar ka mid ah iskuullada ay kaniisadaha leeyihiin ayaa mar walba ku adkeysta in iskuulladooda aanan laga oggoleyn xijaabka, taas oo horseedday isku dhacyo diimeed dhowr ah.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email