La taliyihii ra’iisul wasaare Rooble oo is casilay

La taliyihii gaarka ahaa ee Xariiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Xariir Baaruud ayaa shaaciyay inuu isaga tegay shaqadii uu ka hayay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Cabdi Xariir Baaruud oo kamid ahaa xubnihii sida gaarka ula shaqeynayay ra’iisul wasaarihii hore shaqada looga eryay dhamaadkii bishii July ee sanadkan Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inuu macsalaameeyay xafiiska ra’iisul wasaaraha, isla markaana uu gebi ahaan shaqada isaga tegay.

Ma uusan sheegin sababta uu shaqada uga tegay, hayeeshee qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in intii uu xafiiska Ra’iisul Wasaaraha joogay inuu wax badan bartay.

Si kastaba inta badan mas’uuliyiintii aadka ula shaqeeynayay Xasan Cali Kheyre ayaa xilalkii iska casilay, iyadoon aan la ogeyn sasabta rasmiga, walow dadka odorasa siyaasada dalka ay ku micneeyaan in uu jiro cadaadis iyo bar-tilmaadeedka gaar ah oo lagu kacay dadkii garabka iyo gaashaanka u ahaa ra’iisul wasaarihii hore.

Mohamed Farah

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email