Kulan u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada oo heshiis hor u dhac ah laga gaaray.

Warar aanu heleeno ayaa sheegaya in shirka u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada uu hatan marayo meel wanaagsan, islamarkaana la filayo in saacadaha soo aadan la soo gaba gabeyn doono.

Ilo xog ogaal ayaa Xorriya online u sheegay in is faham laga gaaray dhismnaha saddex guddi oo ka shaqeyn doona arrimaha doorashada, kuwaas oo kala ah; guddiga doorashada heer federal, gudiga doorashada heer gobol, iyo gudiga xalinta khilaafaadka.

Labada guddi ee heer federal iyo heer gobol ayaa qorshuhu yahay in ay si wadajir ah u maamulaan doorashooyinka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in guddigan xalinta khilaafaadka uu magacaabi doona madaxweyne Farmaajo, hayeeshee  waxaa xubno ku yeelan doona maamul goboleedyada.

Sidoo kale labada guddiga ee kale doorashada ay kala magacaabi doona madaxweynaha iyo madax goboleedyada.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email