Kulan looga hadlay amniga doorashooyinka oo lagu Muqdisho

Shir looga hadlay amniga doorashooyinka ayaa lagu qabtay xarunta Xalane ee Muqdisho, waxaana looga dooday sidii loo sugi lahaa goobaha lagu wado in ay ka dhacaan doorashooyinka Ammaankooda.

Kulankan waxaa qeyb galay dowlada federaalka, maamul goboleedyada, gobolka Banaadir, wakiilada Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo dowlada Mareykanka.

La taliyaha madaxweynaha ee dhanka Amniga Cabdisaciid Cali ayaa sheegay in kulanka looga hadlay in maamul goboleedyada ay ku sugaan amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka dowlada dhexena ay taageero siiso.

Dhankale waxaa uu sheegay in kulanka looga hadlay sidii beesha Caalamka ay taageero u siin laheyd hay’addaha amaanka inta lagu gudajiro arimaha doorashooyinka.

Doorashada xildhibaanada aqal oo bilaaban doonta dhammaanka sanadkaan ayaa lagu wadaa in lagu qabto maamul goboleed kaste labo magaalo, oo sugida amniga ay iska kaashan doonaan AMISOM, dowladda Dhexe iyo maamul goboleedka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email