Ku simaha duqa Muqdisho oo ka hadlay sababtii dowlada ku kaliftay in ay wadooyinka xirto

Xalay ayaa la dhameystiray qorshaha lagu qaaday dhagaxaanta Gidaarka u ahaa dhismaha Safaaradaha Turkiga & Qadar oo isaga kala dambeeyay Dhismo ku yaalla oo ay saldhigteen sanado kahor.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble & mas’uuliyiin u badan maamulka Gobolka Baanadir ayaa kormeer ku tagay wadadaan oo xiligaas ka socotay howlo lagu qaadayay dhagaxaanta lagu jaray.

Axmed Xasan Iimaan Guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda ahna ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in muddo dheer kadib jidkaan in loo furay shacabka.

Axmed Xasan Iimaan ayaa sheegay in duruufaha dhanka Amniga ay sababeen xirnaashiyaha waddooyinka iyo meelaha muhiimka ah u shacabka in loo furo isu socodkooda, balse waxa uu shuruud uga dhigay ka gudubka duruudaha keenay xiritaanka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email