Khasaaraha ka dhashay weerar lagu qaaday gaari Bas ah galbeedka Itoobiya

Itoobiya oo sheegtay inay isku soo dhawaanayaan Soomaaliya iyo  Somaliland,kadib raali gelintii Farmaajo. | Somaliweyn

11 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen galbeedka itoobiya kaddib markii la weeraray gaari nuuca Baska dadweynaha ah.

Warbaahinta itoobiya ayaa sheegtay in weerarku ka dhacay gobalka Benishangul Gumuz halkaas oo basku marayay.

Madaxa amaanka gobalka ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jira muwaadiniin u dhashay dalka shiinaha.

Dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo Gobalkaan Benishangul Gumuz ay maalmahaan ka dhacayeen dagaal ku saleysan qabaa’ilada ka jira deegaanka.