Kenya oo shuruud adag ku xirtay si ay ciidamadeeda ugala soo baxdo Soomaaliya

Monica Juma Wasiirka Gaashaandhigga Kenya oo la hadashay Wargeyska Daily Nation ayaa sheegtay in uu jiro qorshe ciidan oo ku saabsan howlgalka Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya.

Waxaa ay tilmaamtay in shuruudaha bixitaanka Askarta AMISOM ay ku xiran tahay helitaanka Ciidamo Soomaali ah oo awooda sugidda amniga dalkooda.

Dowladda Kenya ayaa qorshe u dajisay bixitaanka Ciidankeeda ku jira howlgalka Ururka Midowga Afrika ee loosoo gaabiyo AMISOM, si loo dajiyo qorshe ciidan oo lagu sugayo ammaanka.

Wasiirka Difaaca Kenya ayaa sheegtay in shuruudda Bixitaanka Ciidanka Kenya kaliya ay tahay in la helo Ciidamo Soomaali ah oo damaanad-qaada sugidda amniga waddankooda, si loosoo gaba-gabeeyo ayee tiri howlgalka waqtiga dheer qaatay ee AMISOM.

Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaas ugula dagaallamaan xooggaga Al-Shabaab oo khatar ku hayay amniga gudaha Kenya.

Si kastaba howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku siman sida uu qorshaha yahay sanadka soo socda 2021-ka, inkasta oo marar badan la cusbooneysiiyay joogitaanka Ciidamadaan ka socda dalalka Afrika.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email