Jubbaland oo soo gudbisay xubnaha ku matalaya guddiga doorashooyinka

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa si rasmi ah usoo gudbiyay liiska labo xubnood oo Puntland ku matalaya xubnaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal.

Axmed Madoobe ayaa soo gudbiyay laba xubnood oo katirsanaa Guddigiisii doorashooyinka ee maareeyey doorashadii muranka sababtay ee dib loogu doortay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ilaa iyo hadda ay Xubnaha Guddiga doorashooyinka ku matalaya ay gudbiyeen Maamul Goboleedyada kala ah, Koonfur Galbeed, Jubbaland, iyo Puntland, sidoo kalena Maanta la sugayo inay dhankooda soo gudbiyaan Maamulada Galmudug & Hir-Shabeelle.

20-kii Bishaan ayay ku ekeyd mudada ay ku heshiiyeen Madaxda dowladda & Dowlad goboleedyada in lagu soo Magacaabo Guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka, balse dib u dhac ayaa ku yimid mudadii lagu balamay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email