
Wasiirka Amniga Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan khayre ayaa dalbaday in xoogga la saaro howlaha sugidda ammaanka si nabadgalyo ay ugu qabsoomto doorashooyinka federaalka & heer Dowlad Goboleed oo culeys kusii ah dadka ku sugan Xarunta Hir-Shabeelle oo markii hore la dhibaatoonayay Amniga & fatahaadda Wabiga Shabeelle.
Wasiirka Amniga ayaa kulan looga xaajoonayay sugidda ammaanka deegaannada Hirshabeelle la yeeshay saraakiil ka kala tirsan QM, AMISOM & Militariga Dowladda Federaalka Soomaaloya.
Kulankaan oo ka dhacay Magaalada Jowhar waxaa lagu soo bandhigay culeyska Doorashooyinka waqti ahaan isku beegan ee lagu soo dhisayo maamulka Hirhabeelle oo muddo xileedkiisu dhamaaday & tan lagu soo dooranayo Kuraasta Xildhibaanada iyo Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Magaalada Jowhar waxaa gaaray Ergo horudhac u ah xubnaha soo xulaya Baarlamaanka labaad ee DG Hirshabeelle, maalmaha soo socda wufuud kala duwan ayaa magaaladaas ku wajahan si ay u guda galaan howlahaha horyaalla.
Villa Soomaaliya ayaa labadii cishe ee lasoo dhaafay Xarunta Shabeelaha Dhexe oo dhanka kale ah Caasimadda Hirshabeelle geysay Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Haramcad loo yaqaan si ay qayb uga noqdaan adkeynta xasiloonida guud ahaan Magaaladaas.