James Swan maxuu ka yiri qaraxii 14-kii October?

Ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan umuuraha Soomaliya James Swan ayaa sheegay in ay murugada la qeybsanayaan qoysaska dadkii naftooda ku waayay qaraxii 14-kii Oktoobar.

James Swan ayaa yiri “Hormarkii lagu tallaabsaday laga soo billaabo 2017-kii wuxuu ka turjumayaa adkeysiga dadka Soomaaliyeed iyo rabitaankooda ku aaddan mustaqbal wanaagsan.”

“Weerarkii 14-kii Oktoobar 2017-kii lama iloobin, waxaana murugada la qaybsanaynaa qoysaska dadkii naftooda ku waayay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Weerarkan waxaa ku dhintay ugu yaraan 587 qof wuxuuna ahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhaca Soomaaliya.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email