Jabuuti oo xirtay xudduudaheeda kaddib markii uu kusoo labo kacleeyay Coronavirus

Dowladda Jabuuti ayaa mar kale xirtay xudduudaheeda kaddib markii uu kusoo laba kacleeyey fayraska Karoona oo maalmihii la soo dhafay kiisas badan laga diiwaan geliyey dalkaasi.

War kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Jabuuti ayaa lagu sheegay in xadduudaha dhanka dhulka la xirayo muddo 15 maalmood ah, si loo xakameeyo faafitaanka fayraska.

Jabuuti waxay kamid ahayd dalalka Afrika ee uu sida ba`an ugu faafay fayraska Karoona, hase yeeshee dadaal ay dowladdu sameysay ayaa lagu sheegay inay yaraadeen kiisaska, muddooyinkii ugu dambeeyay.

Bilihii ugu dambeeyay xanuunka coronavirus ayaa ka dabar go`ay dalkaas, sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka. Warbixintii ugu dambeysay ee wasaaradda ayaa lagu sheegay inaysan jirin kiisas cusub, isla markaana dhammaan dadka uu ku dhacay ay ka bogsadeen.

Balse shalay oo keliya ayay wasaaraddu shaacisay 30 kiis oo fayraska ah, balse faahfaahin kama bixin halka ay kiisaskaasi ka yimaadeen.

Waxaa jira dad u dhashay Jabuuti oo ku maqan dalka Itoobiya iyo Somaliland, kuwaas oo inta badan safar dhulka ah ku soo gala Jabuuti amaba kaga baxa, lama oga in lagu amri doono inay diyaarad soo raacaan iyo inkale.

Dowlada ayaa ugu baaqday shacabka inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, si loo xakameeyo cudurka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email