Israa`iil oo qamadi ku kacaya $5m u direysa Suudaan

Israa`iil ayaa qamadi qiimihiisu yahay $5m (£3.8m) u direysa “saaxiibkeed cusub” Suudaan, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra`iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

Suudaan ayaa isku diyaarineysa inay soo celiso xiriirka Israa`iil – iyadoo hore dalal kale oo Carab ah ay usoo celiyeen xiriirka Israa`iil.

Warsaxaafadeed soo baxay toddobaadkii la soo dhaafay ayaa lagu sheegay in wufuudda labada dal ay kulmi doonaan “toddobaadyada soo socda”.

Suudaan ayaa wajahaysa cunto yaraan baahsan.

Xafiiska Mr Netanyahu ayaa qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka wuxuu ku sheegay in Israa`iil ay gacan ka geysan doonto isbeddelka Suudaan:

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Suudaan ka saaray liiska Mareykanka ee dalalka maalgeliya argagixisada.

Suudaan ayaa ka soo baxday xukun milatari oo keligii talis ahaa, kaas oo uu hoggaaminayay Cumay Xasan Albashiir.
Xigasho: Bbc

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email