Heerka saboolnimada shacabka Maraykanka oo sare u kacday

Heerka saboolnimada dalka Mareykanka ayaa sare u kacday sababo la xiriira cudurka Covid-19, xilli ay sii yaraaneyso kaalmada dhaqaale ee dowladda ay siiso shacabka ay cudurkani dhibaatada dhaqaale ka soo gaartay.

Ku dhawaad siddeed milyan oo qof oo Ameerikaan ah oo u badan carruur iyo dadka laga tirada badan yahay ayay saboolnimadu la degtay laga soo billaabo bishii Maajo ee sanadkan, sida lagu sheegay daraasad ay sameeyeen cilmi-baarayaal ka tirsan jaamacadda Columbia ee dalkaasi.

Usbuucii la soo dhaafay oo kaliya, qiyaastii 900,000 oo qof ayaa dowladda weydiistay kaalmo dhaqaale maadaama ay shaqo la’aan la soo deristay, waana tiradii ugu badnayd ee la diiwaan geliyo tan iyo bishii Agosto.

Khubarada dhanka dhaqaalaha ayaa ku talinaya in kaalmo dhaqaale lala soo gaaro dalkaasi si looga baaqsado dhaqaale kuduudsi.

Saboolnimada la sheegay in ay haatan ku baahday dalkaasi Mareykanka ayaa ku soo beegmeyso xilli baanka adduunka uu horraantii bishan ka digay suurtagalniamda in markii ugu hooreysay muddo 20 sano ah ay faafto saboolnimo ba’an.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email