Halkee ayuu ku dambeyn doonaa qorshaha shaqo ee baarlamaankan 10-aad

Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maanta shir guddoominayey kulankii codka kalsoonida loogu qaaday golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa ka hadlay halka ay ku dambeyn doonaan shaqada iyo kulamada golaha.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in golaha aan la xiri doonin, isla markaana shaqada iyo kulamada xildhibaanada golaha shacabka ay sii socon doonaan.

Waxa uu sheegay in kulamada golaha ay sii socanayaan illaa inta laga dhameynayo ajendayaasha haatan hor yaalla golaha shacabka.

Sidoo kale guddoomiye Mursal ayaa xusay in kaldhigan 7-aad uu maanta ku egyahay, isla markaana Isniinta soo socota uu si toos ah u furmi doono kalfadhiga 8-aad ee xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email