Gurmad balaaran oo Tanzania u dirtay buurta ugu dheer Afrika oo gubanaysa

Dowladda Tanzania ayaa sheegtay in helikobtarro iyo diyaarado dheeraad ah loo dirayo si ay u damiyaan dabka ka kacay Buurta Kilimanjaro, dabkaas oo muddo shan maalin ah ka holcayay halkaas.

In ka badan 500 oo qof oo mutadawiciin ah ayaa isku dayaya daminta dabka ka kacay buurtaasi.

Dadaallada lagu daminayo dabka waxaa caqabad ku noqday dabeylo xooggan iyo caws qallalan oo sii hurinaya dabka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email