
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa sheegay in laga helay Xanuunka saf marka ah ee Coronavirus.
Guddoomiyaha oo hadalkaan u Shaaciyey bartiisa Facebook ayaa sheegay in Xanuunka laga helay baaritaan uu isku sameeyeey, kadibna waxa uu sheegay inuu geli doono 7 maalmood oo karantiil ah.
Ciro ayaana yiri sidan “ALXAMDULILLAAH calaa kulli xaal, maanta waxa la iga helay Corona Virus [covid19] baaris kaddib. Waxa aan ku jiri doonaa karantiil-iskay ah oo toddoba maalmood ah sida dhakhtarku ku taliyey. Caafimaadkayguna aad buu u fiican yahay.”
