Golaha Baarlamaanta Galmudug oo maanta ansixitay hindise sharciyeed cusub

Golaha Baarlamaanka Galmudug ayaa maantay meel mariyay Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka oo asbuucii hore Wasaarada Deegaanka, Isbadalka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga ay u soo gudbisay.

Golaha oo mariyay sharcigan dhamaan heerarka akhrinta shurrucda ayaa ugu dambeyn maantay u codeeyay meelmarintiisa. Baarlamaanka Galmudug kaalfadhigiisa 2-aad kulankiisa 11-aad oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha golaha Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyay Sharciga Maareynta Deegaanka Galmudug.

Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Deegaanka, Isbadalka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga cabbdifitah Daahir Jaamac ayaa Golaha uga mahad celiyay meelmarinta Sharcigan, wuxuu si gaar ah ugu mahad celiyay gudiga Deegaanka iyo Kheyraadka oo aad uga shaqeeyay hagaajinta iyo turxaan bixinta sharcigan.

Wasiir Kuxigeenka ayaa balan qaaday in Wasaaradu xooga saari doonto dhaqan gelinta sharcigan oo ahmiyad wayn u leh ilaalinta iyo horumarinta Deegaanka iyo Kheyraadka Galmudug.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email