Gobolka Banaadir oo maanta soo gabagabeeye kulan muhiim u ahaa hanaanka waxbarashada gobolka..

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta Muqdishu kusoo gabagabeeyay kulan muhiim u ahaa hanaanka waxbarasho ee dalka gaar ahaan bulshada ku dhaqan caasimadda.

Kulankaan oo muddo labo cisho dhan ka socde Muqdisho ayaa looga doodayay hanaanka wax ka bedelka & qaababka ugu haboon ee lagu hormarin karo qorshaha waxbarashada gobolka 5-ta sano ee soo socota.

Gudoomiye kuxigeenka Maaliyadda gobolka Banaadir Mudane Axmed Iimaan ayaa maanta soo xiray kulanka wadatashiga diyaarinta qorshaha 5-ta sano ee horumarinta waxbarashada Gobolka Banaadir.

“Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan marti sharaftii nagala soo qeyb-gashay kulankan tala-wadaagga ah, ma noqon doono kii ugu danbeeyay, aragtida iyo talooyinka dadweynaha Gobolka Banaadir waxay noo tahay garbo aan ku duulno.” Ayuu Axmed Iimaan ka yiri kulankaan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email