General Odowaa oo gaaray Balad Xaawo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Generaal Odawaa Yuusuf Raage iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay waxaa uu gaaray degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Ujeedka safarka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ku tegay ayaa lagu sheegay in uu ahaa mid ku qotoma sidii uu u kormeeri lahaa xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolkaasi.

Safarka taliyaha ayaa kusoo aadaya xilli shalay halkaasi ay dowlada federaalka Soomaliya ka dejisay cutubyo ciidan ah oo aad u qalabeysan.

Taliyaha Ciidanka ayaa inta uu ku suganyahay Gobolka Gedo wuxuu gaari doonaa magaalooyinka Garbahaareey iyo Luuq ee Gobolka Gedo ka tirsan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email