Galmudug oo ka hadashay afar arday oo ku dhimatay Galgaduud

Wasaaradda waxbarashada hiddaha & tacliinta sare ee Galmudug ayaa faahfaahin ka bixisay carruur ku geeriyootay gumac madfac oo ku qarxay oo ay garaacayeen gobolka Galgaduud.

Gumac madfac ayay carruurtu kasoo hoos qaaden geed hoostiisa magaalada Bangeelle ee gobolka galgaduud.


Wasaaradda ayaa tacsi u dirtay ehelada carruurta waxaana ay sheegtay in ay bixin doonto wacyigalin ku saabsan ka hortagida waxyaabaha qarxa.

Ardaydaan oo Kale Ah:

1- Cabdullaahi Shugri Maxamed: Fasalka 6-aad.

2- Axmed Wali Qorane Nuur: Fasalka 4-aad.

3- Sharmaake Cabdiqaadir Nuur: Fasalka 4-aad.

4- Kaamil Daroor Maxamed: Fasalka 3-aad.