Galmudug iyo hogaanka Ahlusuna oo wada hadalo u bilaawday

Wararka naga soo gaaraaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaasi ay kulan ku yeesheen madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Sheekh Cabdirisaaq Ashcari oo kamid ah hogaanka Ahlusuna Wal jamaaca.

Kulanka oo ahaa mid ay albaabada u xirnaayeen ayaa hadana xogaha laga helay waxaa ay tilmaamayaan in kulankaan uu bilaaw u yahay wada hadallo dhexmara madaxda Galmudug iyo hogaanka Ahlusuna oo dagaal loga saaray degaanada Galmudug.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa la sheegay inay isku afgarteen in markale kulan kale la isugu yimaado si meesha looga sii amba qaado wada hadal dhexmara madaxda Galmudug iyo hogaanka Ahlusuna.

Hogaanka Ahlusuna ee mudada ka badan 10 sano maamulayay degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee degaannada Galmudug ayaa dagaal looga saaray, kadib markii ay ka biyo diideen doorashadii ka dhacday Dhuusamareb, waxaana xilligaasi wixii ka dambeeyay jirin wada hadal toos ah oo dhexmaray madaxda Galmudug iyo Ahlusunna.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email