Gacalisadii Jamal Khashoggi oo maxkamad la tiigsaneysa Dhaxal-sugaha Sacuudiga

Gabadhii uu doonaneyd weriyihii Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi ayaa dacwad ka gudbisay dhaxal-sugaha Sacuudiga, iyadoo ku eedeyneysa inuu isagu amray dilka.

Hatice Cengiz iyo ururka u dooda xuquuqda bani`aadamka ee uu Khashoggi aasaasay kahor intuusan dhiman ayaa maxkamad la tiigsanaya Mohammed bin Salman iyo in ka badan 20 qof oo kale.

Khashoggi waxaa dilay koox Sacuudiga laga soo diray xilli uu ku sugnaa qunsiliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, ee dalka Turkiga, sanadkii 2018.

Dhaxal-sugaha ayaa beeniyay inuu amray dilka Jamal.

Khashoggi wuxuu aad u cambaareyn jiray dowladda Sacuudiga, isagoo dibadjoog ku ahaa dalka Mareykanka, isla markaana si joogto ah wax ugu qori jiray wargeyska Washington Post.

Dacwaddan oo ay shalay u gudbisay maxkamad ku taalla Washington DC, Ms Cengiz oo u dhalatay Turkiga ayaa sheegtay in dilka Jamal uu iyada gaarsiiyay dhaawac iyo khasaaro hanti.

Ururka uu Khashoggi aasaasay ee Dawn, kaas oo u ololeeya dimuqraaddiyadda dalalka Carabta ayaa sheegay in howlahooda shaqo la carqaladeeyay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email