Faahfaahin ka soo baxaysa gabar da’ yar oo lagu diley magaalada Burco

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah Haweeney xalay aheyd lagu dilay magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Haweeneyda la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ugbaad Cali Dhaban-loox, isla markaana kamid ahey dadka deegaanka Burco, waxaana la sheegay inuu dilay Nin ay maalmihii lasoo dhaafay wada socdeen.

Qaar ka mid ah wararka ayaa sheegaya in gabadha la kufsaday kahor inta aan la dilin,taasoo aad ay uga xumaadeen dadka ku nool magaalada Burco.

Ciidamada Booliska magaalada Burco ayaa soo qabtay nin lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay dilkii loo geystay Marxuuumad Ugbaad Cali Dhaban-loox, kaasi oo haatan ay ku socdaan baaritaano kala duwan.

Gabadha la diley ayaa la sheegay inay ahayd hooyo saddex carruur ah dhashay balse ay kala tageen ninkii hore u qabay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email