Wararkii u dambeeyay duqeyn khasaaro geysatay oo ka dhacday gobolka Gedo

Faahfaahin dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan duqeymo diyaarado loo maleynayo inay leeyihin ciidamada Kenya ka geysteen degaano ka tirsan gobolka Gedo, kuwaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Duqeymaha ayaa waxaa diyaaradaha ay ka fuliyeen degaanada kala ah Baliga Harakoobe. Yaaqle, Qabri xaaji iyo Baliga Dhadhaable, kuwaas oo hoostaga degmooyinka Beled Xaawo iyo Xarunta gobolka Gedo ee Garbahaareey.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymahaas, waxaana wararka qaar ee la helayo ay sheegayan in hal ruux uu ku dhintay afar kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhamaantood ah shacab xoolo dhaqato ah.

Degaannada ay duqeymaha ka dhaceen ayaa waxaa la sheegay in aysan ku sugneyn dagaalamayaasha Alshabaab oo mararka qaar duqeymo lala beegsado, hayeeshee dadka ku waxyeeloobay yihiin shacab.

Dowlada Kenya iyo maamulka gobolka Gedo ugu Magacaaban dowlada Soomaaliya weli kama hadlin duqeymahaas,waxaana todobaadkii hore sidaan oo kale ciidamada Kenya ay duqeyn ka gesyteen degaano hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email