Duqa degmada Gaalkacyo ee Dowlad goboleedka Galmudug oo la doortay

Golaha degaanka degmada Gaalkacyo oo lagu dhawaaqay maalmo ka hor ayaa maanta doortay Gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Gaalkacyo.

Cabdiraxmaan shiiq Xasan ayaa loodoortey duqa degmada Gaalkacyo ee Galmudug halka ku xigeena loo doortey Maxamed Cabdi Cilmi doorasho si weyn loo soo agaasimay galabta.

Labadda xubnood ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka waday Gaalkacyo ololahooda doorashada, iyadoo Gaalkacyo ay tahay Magaaladii ugu horreysay ee Galmudug ee yeelata gole degaan oo waafaqsan barnaamiyadda dowladdaha hoose.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email