Dunida Muslimka oo cambaarayn kala dul dhacay Emmanuel Macron

Diidmada ka dhalatay cambaareynta Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ee Islaamka ayaa sii xoogeysatay ka dib markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu su’aal ka keenay caafimaadka maskaxda ee dhiggiisa Faransiis, halka Muslimiinta dalal dhowr ah ay dalbanayaan in la qaadaco xiriirka Faransiiska.

Erdogan ayaa markii labaad usbuuc gudihiis ku celiyey in “maskaxda laga baaro” madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, xilli ay sii kordheyso carada ka dhalatay hadal uu ugu gefay Islaamka.

Macron ayaa Arbacadii cambaareeyey wax uu ugu yeeray “islaamiyiinta”, wacadna ku maray “inaanu ka tanaasuli doonin” sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH, kadib markii la gowracay Samuel Paty, oo ahaa macallin Faransiis ah oo ardaydiisa tusay sawir gacmeed loola jeedo Nebiga NNKH.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Sabtidii cambaareeyey Macron, isaga oo sheegay inuu u baahan yahay in “maskaxdiisa la baaro,” sababtoo ah waxa uu “malaayiin qof oo ka kala tirsan kooxo diimeedyo kala duwan ula dhaqmaya sidan.”

Hadallada Erdogan ayaa dhaliyey in Paris ay carooto una yeerato safiirkeedii Ankara.

Macron wuxuu diinta Islaamka ku tilmaamay in ay tahay diin “dhibaato ka taagan” adduunka oo dhan wuxuuna wacad ku maray in uusan ka tanaasuli doonin waxa uu ugu yeeray Xoriyada hadalka.

Tan iyo Jimcihii, baraha bulshada waxaa hareeyay dhaleeceyn loo jeedinayo Macron dalal ay kamid yihiin galbeedka illaa bariga, oo ay ku jiraan UK, Kuwait, Qatar, Falastiin, Masar, Algeria, Jordan, Saudi Arabia iyo Turkey.

Ololaha baraha bulshada ayaa horseeday in dhowr ururo ganacsi oo Carbeed ay ku dhawaaqaan qaadacaadooda alaabada Faransiiska.

Khilaafka ayaa soo jiitay hogaamiyaasha caalamka iyadoo dadka ku nool wadamada ay u badan yihiin Muslimiinta ay abaabulayaan banaanbaxyo wadooyinka ka dhacay oo lagu cambaaraynayo Faransiiska.

Wasaaradda arrimaha dibedda Pakistan ayaa Isniintii u yeertay safiirka Faransiiska ee Islamabad si uu wax uga weydiiso faallooyinka Macron.

Wasiirka arrimaha dibadda Shah Mehmood Qureshi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay ” in abuurka nacaybka ee maanta lagu beerayo bulshada uu kala qaybin doonaa umada isla markaana uu yeella doono cawaaqib xun”

Tallaabadan ayaa timid maalin kadib markii Ra’iisul wasaaraha Pakistan Imran Khan uu warqad u qoray madaxa Facebook Mark Zuckerberg uu kaga dalbaday in laga mamnuuco waxyaabaha Islaam naceybka ah baraha Facebook.

Isha: Risaala