Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay ku xadgudubka Diinta Islaamka

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa War ka soo saartay War ay ku sheegtay inay ka xun tahay xadgudubka iyo caqiidada iyo muqadasaadka Dadka Muslimiinta ah ee u ugu horeeyo Nabi Muxamamed SCW.

Qoraalka Madaxtooyada Soomaaliya oo aan lagu magacaabin Faransiiska iyo Madaxweynaha dalkaasi oo taageeray aflgadaada loo geysto Nebiga, sidoo kalena laguma soo qaadin cidda falkaasi ku kacday.

Dalalka islaamka ayaa intooda badan cambaareeyay hadallada kasoo yeeray madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, qaarkoodna waxay u yeereen safiirada Faransiiska oo ashtako u gudbiyeen, halka dadweynaha Muslimiinta ay wadaan bannaanbaxyo looga horjeedo Faransiiska.


Xorriya

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email