Dowladda soomaaliya oo war kasoo saartay ciladda Internet-ka ee maanta ka jirta koonfurta & bartamaha soomaaliya

Sii hayaha Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Xukuumada Soomaaliya Injineer Cabdi Canshuur Xasan ayaa ka hadlay Ciladda Dhinaca Internetka ah ee maanta ka jirta Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Injineer Cabdi Canshuur sii hayaha Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa Bartiisa Facebook-ga kusoo qoray in Dalka uu soo gaarey oo howl bilaabay Markabkii xalin lahaa Cilladdii hore ee ku dhacday xariggii 1-aad ee Internet-ka ee Eastern Africa Submarine Cable System (EASSy) ee Shirkadda DALKOM, taariikhdu markii ay ahayd 26 July 2020, Kooxda farsamada ee la socota markabkan ayaa waxa ay howshooda ku soo gebogabeyn doonaan muddo kooban, taas oo aan ka warhayno in ay cirriiri gelin doonto isticmaalka Internet-ka ee xarriggaas mudadaas kooban.

Sidoo kale Wasiirka waxa uu sheegay in Xariga Labaad oo ah Internetka Viber Optic uu soo gaaray Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadaya xilli saakay dadka ku dhaqan koonfurta & bartamaha Soomaaliya ay kusoo tooseyn cillad guud oo adeega Internet-ka ah, madama uu yahay adeeg muhiim u noqday dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee guud ahaan Soomaliya.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email