Dowladda Soomaaliya oo magacaawday guddiga diyaarinta aas qaran oo loo sameeyo Cali Khaliif Galeyr

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi Qaran oo ka shaqeyn doona Aaska loo sameynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr.

Howlaha uu guddigan qabanayo ayaa waxaa ka mid ah cayimida halka lagu aasayo meydka allaha u naxariistee Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta ku geeriyooday magaalada Jigjiga.

Allaha u naxarisitee Cali Khaliif Galeyr ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dalka Soomaaliya hase yeeshee waxaa uu muddooyinkii u dambeeyay ku noolaa magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email