Dowladda oo Jowhar geysay ciidanka gaarka u tababaran ee Haramcad

Wararka naga soo gaaraya caasimada dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya dowladda Federaalka Soomaaliya ay Magaalada Jowhar geysay Ciidamada gaarka u tababaran ee Haramcad.

Ciidankaan ayaa qorshuhu yahay in ay qayb ka noqdaan ilaalinta ammaanka Magaalada Jowhar oo martigelineysa labo doorasho oo is dulsaaran waqti ahaan, waa tan Dowlad Goboleedkaas & soo doorashada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Al-Shabaab culeys ay saartay Gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii uu kordhay howlgalka ka dhanka ah ee ka socda Gobolka xad wadaagga la ah ee Shabeelaha Hoose.

Haddaab dadka qaar ayaa isweydiinaya waxa uu yahay ujeedka ciidanka DFS ay u geystay Magaalada Jowhar, iyada oo maanka lagu hayo Doorashooyinkii ka dhacay Baydhabo & Dhuusamareeb oo askarta Haramcad la geeyay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email