Dowlada Soomaaliya ayaa fariintaan u dirtay maamulada xubnaha ka ah Dowlada dhexe

Qoraal hadda kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa fariiin loogu diray dhamaan maamul goboleedyada xubnaha dowladda dhexe.

Qoraalkaan ayaa waxaa uu si gaar ah ugu socday Puntland, Jubbaland, Hirshabeelle & Galmudug. Iyadoona qoraalkan aan lagu xusin Koofur Galbeed & gobolka Banaadir.

Ujeedka qoraalkan ayaa ahaa is xusuusin lagu xusuusinay in la dhaafay waqtigii lagu balamay in maamul goboleedyada ay kusoo magacaaban xubnaha kamid noqonaya guddiga doorashooyinka heer Federaal, Heer dowlad goboleed & guddiga xalinta khilaafaadka.

Ugu dambeyn qoraalkan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa si gaar ah looga codsaday in maamul goboleedyada ay dardar geliyaan wixii lagu balamay ilaa iyo ugu dambeyn 20-ka October 2020 si loo dhameystiro baa la yiri wixii lagu heshiiyay.

Qoraalka ayaa u qornaa sidaan hoos ka muuqata.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email