
Wararka aanu ka heleeno gobolka Bakool ayaa ku soo waramaya in halkaasi lagu soo bandhigay sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Alshabaab.
Sarkaalkan ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan gobolka Bakool Waxaana magaciisa lagu sheegay Aadan Cabdow Xareed
Taliyaha ururka 51 ee guutada sagaalaad Deyrow macalin Cabdi iyo taliyaha qeybta booliska gobolka Bakool Cabdullaahi Xasan Cabdullaahi ayaa sheegaya in sarkaalkan uu isku soo dhiibay ciidamada dowlada, isla markaana Alshabaab ku biiray waqti hore.