Dowlada fedraalka Soomaaliya oo shaacisay in xubno muhiim ah oo ka tirsan Alshabaab ay hawlgal ku dishay

Ciidanka xooga dalka Soomaaliya oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ay ku dileen xubno muhiim ahaa oo ka tirsan Alshabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay duleedka degaanka Bariire ee gobolka Shabellada Hoose waxayna ciidanka xooga dalka ku dileen madaxii hoobiyaasha Alshabaab u qaabilsanaa gobolka iyo dagaalamayaaal badan oo Alshabaab ka tirsanaa.

Taliyaha Ururka 143 ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Axmed Xasan Siyaad oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan isla markaana lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab iyo madaxii hoobiyaasha kooxdaasi.

Taliyaha waxa uu sheegay in howlgalka lagu dilay ku dhawaad 17 kale oo ka tirsan dagaalamayasha Alshabaab.

Taliye Axmed ayaa Magaca sarkaalka la dilay ku sheegay Abuu Nuur Mukhtaar oo ku magac dheer Gaabshe isagoona Alshabaab u qaabilsanaa heynta iyo tuurista hoobiyaasha.