Dowlada fedraalka oo heshiis cusub la gashay shirkada maamusha dekeda Muqdisho

Ku simaha ra’iisul wasaare ku xigeenka dowlada fedraaka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo goob joog u ahaa Heshiis ay kala saxiixdeen dowlada federaalka Soomaaliya iyo Shirkadda maalgashiga Albayrk ayaa sheegay in sanadihii la soo dhaafay talaabo fiican loo qaaday dhanka xoojinta maalgashiga dalka.

Ku simaha ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay macnaha ay u leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in dib u eegid iyo horumarin lagu sameeyey Heshiiskii 2014 kii ay kala saxiixdeen dowlada Soomaaliya iyo Shirkadda Albayrk ee ku saabsanaa howlgelinta Dekedda Muqdisho iyo ballaarinteeda.

Heshiiskan ayaa lagu soo koobay 5 sano oo uu qeexayo hannaan lagu sii kordhin karo muddada dheer ee ka hartay heshiiskii hore ee 20 ka sano ahaa, balse ay saldhig u tahay guulaha laga gaaro qorshaha ballaarinta Dekedda iyo hannaanka howlgelinteeda, iyadoo dowladda Soomaaliya ay korjoogteyn doonto, kana soo saari doonto qiimeyn muujinaysa hirgelinta qodobbada lagu heshiiyey.

Heshiiska waxaa dowlada federaalka Soomaaliya u saxiixay si hayaha Wasiirka Wasaarada dekadaha Marwo Maryan Aweys, halka dhanka shirkada Albayrak uu u saxiixay Mudane Ahmet Sami Isler iyo Fehat Akkaya.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email