Doorashada kuraasta golaha deegaanka Gaalkacyo oo maanta lasoo gaba gabeeyay

Koofurta magaalada Gaalkacyo ee dowlad goboleedka Galmudug waxaa maanta lagu qabtay doorashada 13-kursi oo ka harsanaa dhameystirka 27-ka xubnood ee golaha deegaanka magaaladaas oo muran ka taagnaa maalmihii lasoo dhaafay.

Doorashadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha Gudaha DG Galmudug Cabdi Waayeel, mas’uuliyiin katirsan maamulka gobolka Mudug & Magaalada Gaalkacyo, waxaana lagu hor doortay 13-ka kursi ee golaha deegaanka.

Xubnaha la doortay ayaa waxa ay dhameystir u noqonayaan 27-ka xubnood ee uu ka kooban yahay golaha deegaanka magaalada Gaalkacyo dhanka Koofurta oo maamul ahaan toos timaada DG Galmudug.

Golahaan ayaa maalinta Isniinta ah todobaadka soo socda kuna beegan 26-ka Oktoobar 2020 dooranaya Duqa Magaalada Gaalkacyo oo ay u tartamayaan musharixiin buuxisay shuruudaha lasoo bandhigay.

Mas’uuliyiin katirsan DG Galmudug & xubno ay kamid yihiin ergada dooratay golaha wakiilada ayaa sheegay in la gacan-bidixeynayo kuraasta qaar oo dano gaar ah laga leeyahay waa sida ay hadalka u dhigeen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac Waayeel oo ka duulaya dooddaas ayaa tagay koofurta magaalada Gaalkacyo si uu goobjoog ugu noqdo kuraasta qaar ee muranka ka dhashay.