Dibadbax balaaran oo maanta ka soconaya Muqdisho

Boqolaal dadweyne ah oo u badan kuwa ka shaqeeya gaadiidka dadweynaha ee BL-ka loo yaqaan ayaa iminka banaanbax ka dhigaya wadada warshaha, gaar ahaan isgosyada SOS, Ex-Kontorool Balcad iyo nawaaxiga Suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho.

Banaanbaxa ayaa waxaa looga soo horjeedaa xirnaashaha wadooyinka, iyadoona dadka ka qeyb galaya banaanbaxaan ayaa ka cabanayaan in culeys weyn ay ku tahay, islamarkaana marista wadooyinkan dhibaato badan ku qabaan.

Si kastaba dibadbaxaan culus ee maanta Mogadishu ka dhacay ayaa kusoo aadaya xilli Ra’iisul wasaaraha soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu maalmo ka hor shaaca ka qaaday in la furay qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email