Dibad bax lagu dalbanayo sii deynta weriye Cabdullaahi Kulmiye oo Muqdisho ka dhacay

Saxafiyiinta ka howlgala magaalada Muqdisho iyo madaxda ururrada saxafiyiinta ayaa maanta Muqdisho ka dhigay dibad bax balaaran oo ay ku dalbanayaan in la sii daayo Weriye Cabdullaahi Kulmiye Caddow oo maalintii saddexaad u xiran ciidamada Nabadsugidda.

Weriyeyaasha iyo madaxda warbaahinta ayaa sharci darro ku tilmaamay qaabka loo xiray weriyaha, waxayna sheegeen qaabka ay dowladda hadda jirta ula dhaqmeyso saxafiyiinta ay tahay mid caddowtinimo.

Weriyaha ayaa la sheegay in Hay’adda NISA ay u xirtayy wareysi uu ka qaaday Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan, waxayna ciidamada xoog ku galeen xilli saq dhexe ah Gurigisa oo ay kala baxeen.

Guddomiyaha midowga xarumaha warbaahinta SOMWA Maxamed Cabdiwahaab Cabdullaahi, Agaasimaha Radio Kulmiye Cusmaan Cabdullaahi Guure iyo Guddoomiyaha ururka FESOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa ka dhex muuqday dibad baxaan lagu dalbaneyay sii deynta Weriye Cabdullaahi Kulmiye.