Dhalinyaradu yaa ka hortagaan dhinaca maamulka siyaasada dalka?

In badan oo dadka Soomaaliyeed ahi waxa ay is weydiinayaan sababaha dhab ahaan loo la’yahay Dhalinyaro fikir fiyoow leh oo qayb ka noqota dadaalka loogu jiro dawladnimada iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya, dadkuna Waxa ay doonayaan in ay ogaadaan maxaa loo waayay dhalinyaro waxbartay kana maran Musuqmaasaq iyo Qabyaalad in ay dadka hor yimadaan?

Haddii aad xitaa tahay dhallinyaro, si fudud ayaan doonayaa in aan kuu dareensiiyo jid gooyooyinka ku horyaal ee aad u baahantahay in aad ka tillaabsato.

Odayaasha Dhaqanka

Odayaasha dhaqanku waa udub dhexaadka bulshada Soomaaliyeed burburkii dalka ka dib iyo ka horba. Sidoo kale, Odayaashu waxa ay saamayn dhinac kasta ah ku leeyihiin dhallinyarada Somaalida marka ay ku guda jiraan raadinta in ay gaaraan hadafkooda hoggaamineed sida in ay niyad jabiyaan dhallinyarada oo ay u shegaan in aysan gaari karin hadafkooda ayaga oo u isticmaalaya erayo ay kimd yihiin, ‘Labaatan jir inta uu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa’.

Ma haysatid dhaqaale aad ku gasho olole, ma lihid khibrad badan, reerkeena looma ogola xilkaan iyo kuwo kale oo badan dhabtii. erayadaan dhallinta Soomaaliyeed waxa ay ku reebaan ma haro weyn taas oo sababi karta in ay ku fashilmaan hadafkooda, fikir ahaan.

Qurbe Joogta

Qurbe joogtu waa qayb cusub oo ku soo korodhay bulshada Soomaalida uuna sabab u ahaa burburkii dalka ka dhacay kadibna uu qof waliba naftiisa iyo caruurtiisa ula cararay meeshii uu is lahaa waad ku nabad geli kartaa adiga, maalkaaga iyo caruurtaadaba, Kadib markii dib loo unkay dawladnimadda Soomaaliya qurbe joogtu waxaa ay ka qaateen qayb muhiim ah dib u dhiska dalka iyo dawladnimadiisaba, laakiin taas waxaa barbar socday in ay caqabad weyn ku noqdeen dhallinyarada gudaha dalka wax ku baratay rabtana in ay helaan xafiisyo leh awood hoggaamineed oo ay wax uga baddali karaan bulshadooda iyo dalkoodaba.

Ayaga oo uga faa’iidaysanaya awoodda dhaqaale oo ay ku dhaamaan dhallinyarada gudaha iyo iyaga oo magac iyo maamuusba ka helay gudaha ilaa heer ay garaan in aan la weydiin waxa ay yaqanaan oo ay dalka ku soo kordhin karaan iyo waxyaalihii ay ka soo shaqeeyeen oo ay khibradda ka heleen oo ay dhacdo iyado oo uusan qofku awood u lahayn jago sare in uu hanto masuuliyadeeda la isaga magacaabo iyada oo loo aanaynayo in uu dibadda ka yimid.

Dhaqaalaha

Dhaqaaluhu waa khayraad kamid ah khayraadka lagama maarmaanka u ah nolosha aadanaha waxaa uuna kugu soo geli karaa qaabab kala gedisan, sida in aad shaqaysatay, in aad ka dhaxasho waalidkaa iyo in laguu hibeeyo ama laguugu deeqo. Laakiin sida ugu fiican ee ah in uu dhaqaale kugu soo galo waa in aad shaqaysato.

Markii aan ka eego dhinaca dhalinyarada, dhaqaale yaridu waxaa ay ku tahay caqabad laga ma gudbaan ah marka ay raadinayaan xilalka ay is leeyihiin waad ka soo bixi kartaan, laakiin inta badan waxaa ku adkaata helista dhaqaalahaas madaama ay yihiin da’yar aan helin fursado badan oo ay ku sameeyaan hanti badan. Sida oo kale waxaa ceeb ah in lagu xiro xilalka lacag haddii ay taasi dhacdana waxaa meesha ka baxaya tayada hogaamiyaha isaga oo aaminaya in uu ku yimid lacagtiisa aysanna uga duwanayn xilka uu hayo ganacsiyadda kale ee uu maal gashtay ugu dambayna waxa uu isku dayayaa masuulkaas in uu soo ceshto lacagtii uu ku maal gashtay kurisigiisa.

Khibradaha

Khibrad yarida haysata dhallinyarada Soomaaliyeed oo ay sabab u tahay in aysan helin xarumo ay geliyaan aqoontooda. tanina waxaa ay qayb ka tahay jid gooyooyinka ka hor taagan ka muuqashada iyo ka mid noqoshada go’aamiyayaasha masiirka ummadda ama hoggaanka dalka iyaga oo aan aqoon wadiiqooyinkii loo mari lahaa ololohooda ay ku doonayaan in ay ku helaan xubinta ay u ordayaan. Sidoo kale khibrad yaridu waxay ay gelisaa kuna abuurtaa dhallinta cabsi sida in ay ka walwalaan cidda kale oo la tartamaysa.

Taladeyda ugu dambeysa waxay tahay in Odayaasha dhaqanku ay taageeraan dhallinta Soomaaliyeed ee leh hamiga wanaagsan oo wax tarka u leh dalka, sidoo kale waxaa haboon in ay layimadaan qurbe joogtu barnaamij ka gadmaya dhallinyarada waxna ka badalaya fikirka laga haysto qurbe joogta.

Dhallinyaradu in ay si wadaniyad lihi ay ugu adeegaan dadka iyo dalka iyaga oo ka shaqo gelaya xarumaha dadweynaha oo aysan eegin dakhliga soo galaya si ay u kasbadaan khibrad maamul aakhirna u horseeda in ay garaan hadafkooda hogaamineed ee dalka iyo in dhallinyarada wax baratay ay furan xarumo lagu baro dhallinta hogaanka wanaagsan.

In dhallinyaradu ay ku dhex milmaan qaybaha bulshada ay la nool yihiin iyaga oo dareen siinaya muhiimadda dhallinyaradu ay u leeyihiin dalka xiriir fiican na ka kasbada odayaasha dhaqanka, ganacsatada, aqoonyahanada, iyo qaybaha kale ee bulshada.

Qore: Axmed Cabdi Cusmaan Faroole