DEG DEG: Dagaal Culus oo hadda ka socda degmada Cadaado

Wararka aan ka helayno Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in dagaal uu caawa ka dhacay degmadaasi, waxana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan dagaalkaas.

Wararku waxa ay sheegyaan in iska hor imaad kooban uu dhexmaray Ciidanka NISA iyo Ciidan maleeshiyo beeleed ah oo ku sugan degmada, kuwaas oo la sheegayo in ay yihiin kuwa aad u hubeysan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa soo sheegaya in rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanayaan si weyn looga maqlayo Cadaado, waxaana wali la maqlayaa hubka noocyadiisa kala duwan oo dhinacyadu isku adeegsanayaan.

Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in uu jiro khasaare ka dhashay dagaalkaas iska hor imaadka ah, balse ilaa iyo hadda lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email